Muqdisho: (Sh.M.Network) Sii hayaha Xilka Ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas oo ka qeyb galay kullankii loo dhamaa ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay iyo Shir Madaxeed gaar ah oo diiradda lagu saarayay arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa maanta kasoo dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
C/wali Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay gudaha Garoonka ayaa waxa uu u hambalyeeyay guushii ay gaareen Ciidamada qalabka sida ee Dowladda iyo kuwa Kenya ee gudaha u galay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Sidoo kale Gaas ayaa waxa uu tacsi u daray Ehelladii iyo qoysaskii dadkoodu ku waxyeeloobay Fatahaadii ka dhacday gobolka Hiiraan, isagoo Hay’adaha samafalka ugu baaqay inay gar-gaar bini’aadannimo oo deg deg ah ay la gaaraan dadka ku hanti beelay halkaasi.
Shirkii ka dhacay Magaalada New York ee dalka Maraykanka oo uu ka qeyb galay sii haya xilka Ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya Dr.Gaas ayaa waxa uu yahay mid sanadle ah oo ka dhacay dalkaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay Madax badan oo ka qeyb gashay shirkaasi ay ka hadleen xaaladaha Soomaaliya, ayna ballan qaadeen inay garab taagan yihiin Soomaaliya.























Comments are closed.