Galkacyo (Sh.M.Network)—Wafdi uu hor kacayo Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta gaaray Magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa markii ay gaareen Magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ku soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada ee Maamul goboleed la magacbaxay Puntland.
C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in u jeedada uu u tagay deegaanada Punland ay tahay in uu ka qeybqaato hormarinta deegaanada Maamulkaasi uu ka arrimiyo, waxaana uu xusay in uu la tashiyo la sameyndoono qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanada Puntland.
Safarka uu C/weli Max’ed Cali Gaas ku tagay Magaalada Galkacyo ayaa maalmihii danbe la hadal hayay, waxaana uu imaanayaa xilli maalintii shalay uu si rasmi ah xilkiisii ugu wareejiyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.























Comments are closed.