Muqdisho: (Sh.M.Network) Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah iyo Saxifiyiin ka howlgala Magaalada Muqdisho.
C/wali Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay Ehellada dadkii wax ku noqday Qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay qaraxaasi.
Gaas ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi lagu yaqaano Kooxda Al Shabaab oo uu tibaaxay in markii ay jabaan ay kusoo laabtaan shacabka islamarkaana ay ku ciil baxaan sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan u soo jeedinayaa cambaareyn kuwii falkaasi gaystay, waxaana Hay’adaha Ammaanka amraynaa inay tallaabo qaadaan, Al Shabaab markii ay kusoo jabaan Furumaha dagaalka ayay dadka ku ciil baxaan” sidaasi waxa yiri Gaas.
Sidoo kale C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay safar uu maanta ugu baxayay Magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaasi oo uu kaga qeyb galayo kullanka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Hadalka Gaas ayaa imaanaya xilli shalay weeraro Ismiidaamin ah lagu qaaday Maqaaxi lagu magacaabo The Village oo ku taalla Guriga Hooyooyinka halkaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah iyo Saxafiyiin caanka ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.























Comments are closed.