Gaari ay leeyihiin AMISOM oo wiil dhalinyaro ah ku dilay Muqdisho

maalik_som September 16, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa maanta si cad u jiiray Wiil yar oo maraay wadada dheer ee xiriirisa Isgoyska KM4 iyo Eleboorka Magaalada Muqdisho. 

Mid ka mid ah gaadiidka Gaashaaman oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa barqanimadii maanta waxaa uu ku jiirray wiil dhalinyaro ah nawaaxiga Eleboorka weyn ee Magaalada Muqdisho xili uu marayay wadada dhinaceeda.

Wiilka oo da ahaan lagu qiyaasay dhoor iyo labaatan jir ayaa ku geeriyooday goobtii gaariga ay lahaayeen AMISOM uu ku jiiray ka gadaal markii gaariga uu ka maray Madaxa iyo waliba Dhabarka.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta falka uu ka dhacay daawanayayne sida uu shilka u dhacay ayaa sheegay in Gaariga uu si bareer ah u jiiray Wiilkaasi.

Dhacdadan ma ahan mid ku cusub Magaalada Muqdisho oo waddooyinka dhexmara ay si xowli ah u isticmaalaan gaadiidka Gaashaaman ee Ciidamada AMISOM kuwaasi oo mararka qaar geesta shil dhimasha sababa.

Comments are closed.

Facebook

Twitter