Gaalkacyo oo lagu qab qabtay hub iyo rag ka tirsan Al Shabaab

maalik_som August 22, 2012 Comments Off

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaa sheegay inay soo qab qabteen rag ka tirsan Al Shabaab, hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay wateen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Max’ed Yuusuf Jaamac  oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanka ee Maamulkaasi ay ka go’an tahay xaqiijinta ammaanka Woqooyiga Gaalkacyo oo muddooyinkii dambe ay ku bateen falal ammaan darri.

Max’ed Yuusuf Jaamac ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada ammaanka ee Puntland iyo shacabka ku dhaqan Woqooyiga Gaalkacyo ay iska kaashanayaan xaqiijinta ammaanka iyo ciribtirka dadka foodada iyo dhibaatooyinka ka wada Woqooyiga Gaalkacyo sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Taliye ku xiggeenka qeybta booliska ee Puntland Muxudiin Axmed Nuur oo isna la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu soo bandhigay hub,  rasaas, walxaha qarxa iyo sidoo kale rag gaaray afar ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab. Kuna lug lahaa ammaan darrida maalmihii dambe ka jiray Gaalkacyo.

Howlgalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ee ku sugan halkaasi lagu xoojiyay Ciidamo kale oo ka qeyb qaata ammaanka Woqooyiga Gaalkacyo oo falal ammaan darri ay ka jireen.

Comments are closed.

Facebook

Twitter