Gaadiidleyda oo sheegey in Qiimo Dhimis Ay Ku Sameenayaan Qiimaha Lagu Raaco Gaadiidka

maalik_som December 3, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Ka dib markii Maalinimadii Shalay aheyd la qadey isbaarada Ex-kontorool Afgooye oo aheyd isbaaradii ugu weyneyd ee taalay magaalada muqdisho ayaa qaaditaanka isbaaradaasi waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah darawalada ka dhex shaqeeya inta u dhaxeesa magaalada muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose .

Qaar ka mid ah darawaladaasi oo la Hadley idaacada Shabelle ee magaalada muqdisho ayaa waxa ay si weyn usoo dhaweeyeen qaaditaanka isbaarada Ex-kontorool afgooye oo ay sheegeen in lacago fara badan looga qaadi jirey gaadiidka BL-ka ah ee iskala goosha Muqdisho iyo Gobolka Sh.Hoose .

Darawaladaasi ayaa Shabelle waxa ay usheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhimiyaan qiimaha lagu raaco gaadiidka BL-ka ah ee isticmaala wadada isku xirta muqdisho iyo degaanada kale ee Gobolka Sh.Hoose.

Maalinimadii shalay ayey aheyd markii la qaadey isbaaradii ugu weyneyd ee taalay isgooska Ex-Kontorool afgooye oo lacago fara badan looga qaadi jirey Gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo gobolkada koonfureyd ee dalka .

Comments are closed.

Facebook

Twitter