Gaadiidley kacabaneysa Isbaarooyin markale la soo dhigay Gobolka Sh/Hoose

maalik_som December 11, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Gaadiidleyda ka shaqeysa Gobolka Sh/Hoose oo qaarkood lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa cabasho xoogan waxa ay ka muujinayaan Jidgooyooyin hor leh oo lasoo dhigay Gobolkaasi Gedo.

Mid Kamida Darawalada Kexeeya Gaadiidka kashaqeeya Gobolkaasi Shabellada Hoose  oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in deegaankaa Shalaanbood ee Gobolkaasi la soo dhigay Jidgooyo weyn taas oo uu sheegay in looga qaado lacag aad ufara badan isagoo ugu baaqay Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya in arrintaasi si deg dega wax looga qabto

Gaadiidleyda Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in inkastoo maalmihii hore ay dhaqan galeen awaamiirtii Madaxweynaha hadana maalmihii dambe dib loogu arkayay deegaanada Gobolkaasi Sh/hoose Jidgooyooyin dib loosoo dhigay iyagoo ka codsaday Madaxda dowladda Soomaaliya in Sharci xadeeya ciidamada dib usoo dhigaya isbaarooyinka dowladdu ay la timaado si arimahaasi looga hortago

Maamulka Gobolka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaday kadib Go’aannadi Madaxweynaha in uu qaadi doono Jidgooyooyinka Sharci darradaa ee yaallay qaybo badan oo gobolkaasi ka tirsan

Comments are closed.

Facebook

Twitter