Balcad(Sh.M.Network)—Shacabka ku dhaqan Degmada Balcad ee Gobolka Shabellada Dhexe ayaa kacabanaya dhibaatooyin ay kala kulmaan dad ku labisan dareeska Ciidanka dowladda oo falal dhaca ugeesta dadkaasi
Gaadiidleyda kahwolgasha degmadaasi Balcad oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dhibaatooyin ay kala kulmaan raggaasi kulabisan Dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmadaasi Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe.
Wadayaashaan ayaa sheegay in xittaa dadka Rakaabka ah lagula dhaqaaqo falal baarasho ah oo ay ugeestaan raggaasi kulabisan Dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya
Wadayaashani ayaa ugu baaqay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya in ay arintani soo farageliyaan oo ay wax ka qabtaan iyagoo tilmaamay in awaamiirtii Madaxweynaha ay si weyn usoo dhaweeyeen hase ahaatee aanu ka dhaqan galin Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe.
Dhawaan ayey ahayd Markii Maamulka Gobolka Shabellada dhexe uu qiray in weli aanu ka dhaqan Galin Gobolkaasi awaamiirtii Madaxweynaha ee Ku aadanaa in guud ahaan deegaanada ay Maamusho dowladda Soomaaliya in laga sifeeyo Isbaarooyinka Sharci darradda ah
























Comments are closed.