Afgooye: (Sh.M.Network) abashadaani kasoo yeeraysa gaadiidleyda ka howlgalgasha inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa ay ka dambeysay kaddib markii Isbaarooyin hor leh lasoo dhigay wadada xiriirisa Muqdisho Afgooye oo ay sheegeen in looga qaado lacago badan oo sharci darro ah.
Mid ka mid ah gaadiidleydaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay qaati ka taagan yihiin Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Soomaaliya oo ka qaada lacago sharci darro ah, isagoo xusay in mararka qaar ay dhac u gaystaan Rakaabka saaran gaariga sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Gaadiidleyda ayaa codsi dheer u diray Dowladda Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay wax ka qabato dhibaatooyinka kusoo kordhay wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, oo falalkaani kusoo laab laabtay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay tallaabo ka qaadayaan cid waliba oo dhibaataysa dadka rayidka ah iyo Gaadiidleyda isticmaasha wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.



















Comments are closed.