France:dowladda Soomaalia waa in ay soo qabataa dadka geysta dilalka Saxafiyiinta

maalik_som October 25, 2012 Comments Off

Paris-(Sh.M.Network)—War saxafadeed ay soo sartay wasaradda arimaha dibada ee dowlada faransiiska ayaa lagushegay in dowlada faransiisku ay cambaraynayso dilkii Wuxuushnimada ahaa ee loo geystay wariye Axmed farax ilyaas oo ushaqeynayay TV-ga UNIVERSAL

Dowlada faransiisak ayaa tibaxday in dilkii Axmed farax ilyaas uu qeyb kayahay falal qorsheysan ee  ladoonayo in lagu aamusiyo Saxafada casriga ee ka howl gasha gud ahaanba gobolada kala duwan ee kuyaalla dalka Somalia .

Wasaradda arimaha dibada ee dowlada faransiiska ayaa xustay in dowlada somaliyeed ay kagabisay Sugida ammaanka suxufuyinta iyo  gacan kusoo dhigidda kooxaha geysanaya dilalka qorsheysan taasina ay mugdi sii galinkarto ammaanka dalka somaliya.

Faransiiku waxa uu ugu baqay dowlada Somaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacanta ugu soo dhigto sharcigana horkeento kooxihii geystay dilalkii qorsheysnaa ee loo geystay Suxufiyintii lagu dilay dalka Somalia iyadoona xusid ay mudantahay in  Sanadan cusub ee 2012-ka oo kaliya 16-wariye lagu dilay dalka Somalia.

Comments are closed.

Facebook

Twitter