Muqdisho(Sh.M.Network)—Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo shalay gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in qorshaha 1aad ee xukuumaddu uu yahay xoojinta amniga guud ahaan Gobolkaasi isagoo tilmaamay in ay ka go’antahay in deegaanada weli ku harsan gacanta Al Shabaab ee Gobolkaasi ay ka sifeeyaan.
Wasiiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Gobolka Sh/Dhexe uu yahay Gobol Istaraatiiji ah oo muhiimad weyn ugu fadhiya dowladda Soomaaliya Maadaama uu isku Xiro Gobolka Banaadir tan iyo Gobollada Dhexe
Cabdi Xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladda qorshaheeda guud uu yahay wax ka qabashada ammaanka guud ee dalka isagoo sheegay in cid kasta oo caqabad ku ah ammaankana ay faraha ula tagi doonto dowladda Soomaaliya sida Xarakada Al Shabaab
Wasiirka oo isaga iyo wafdi uu hoogaaminayo ay gaareen Magaalada Jowhar aya halkaasi waxa ay kulamo kala duwan kula qaateen saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM ,wax garad iyo qaybaha Bulshada ku dhaqan Magaaladaasi Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe
Dhawaan ayey ahayd markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa Midowga Afrika ay la wareegeen gacan kuheynta Magaalada Jowhar iyadoo wax dagaala aanu ka dhicin Magaaladaasi
























Comments are closed.