Muqdisho: (Sh.M.Network) Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay waxba kama jiraan tahay wararka sheegaya in loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in uu daneynayo in uu xilkaasi qabto, hase ahaatee aan isaga wali loo magacaabin, islamarkaana haddii loo magacaabona uu xilkaasi gudan doono sida uu hadalka u dhigay.
“Aniga wali malay magacaabin, Madaxweynaha waa lagama maarmaan in uu qaato Waqtigiisa, wax rasmi ah majiraan, iinsha_alaah dadkii lasoo magacaabo waxaan rajaynayaa in sidaasi loo taageero” sidaasi waxa yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Farmaajo.’
Waxa uu eegay in uu ugu baaqayo shacabka inay ku loobtaan guryahooda islamarkaana la joojiyo Xabada ay ridayaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Dhageyso Codka Farmaajo
Wixi kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net























Comments are closed.