Paris (Sh.M.Network)— Dowladda Faransiiska ayaa waxa ay si kulul u cambaareysay dilalalka iyo weerarada lagu qaado Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee joogtada ka noqday gudaha dalka Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Faransiiska oo lagu Magacaabo Flip Lalio, oo warbaahinta la hadalay kaddib kulan ballaaran oo looga hadlayay dhibaatada heysata Saxafiyiinta Adduunka ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xunyahay weerarkii uu dhaawaca ka soo garay u geeriyooday Allaha Raxmadee Wariye Max’ed Max’uud Tuur Yare oo ka mid ahaa howlwadeena fir fircoon ee Shabakada Warbaahinta Shabelle.
Flip Lalio ayaa tilmaamay in wali aan wax laga qaban dhibaatada sii kordheysa ee lagu waxyeeleynayo dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Saxafiyiinta u dhabar adeygaya howsha culus ee ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Mudada fog la tiicayay dhibaatooyinka kala duwan.
Hadalka ka soo baxay dowladda Faransiiska ayaa imaanaya xilli kooxo aan heebtooda la garan oo arxan laawayaal ah ay 21-kii bishaan ku weerareen Allaha Unaxariistee Wariye Max’ed Max’uud Tuuryare kaas oo sababsaday dhaawacii ka soo gaaray weerarkaasi islamarkaana u geeriyooday.























Comments are closed.