Faransiiska: AMISOM iyo Dowladda ha ilaaliyaan ammanka Saxafiyiinta

maalik_som September 26, 2012 Comments Off

Paris: (Sh.M.Network)    Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaradda arrimaha dibadda ee dowladda Faransiiska ayaa  lagu sheegay in dowladda Faransiisku ay aad u cambaareynayso dilalka qorsheysan ee ka socda Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu bartil maameedsanayo Saxafiyiinta iyo dadka wax galka u ah dalka Soomaaliya. 

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa tibaaxay in dowladda Faransiisku ay ka xuntahay dilalka loo geysanayo Saxafiyiinta, iyadoo Faransiisku uu ugu baaqay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud inuu sharciga hor keeno kuwii ka dambeyay dilalkii loo geystay Saxafiyiinta Muqdisho.

 Dhinaca kale Xukuumadda Faransiiska ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM inay sugaan ammanka saxafiyiinta, kana hor tagaan dilalka loo geysanayo bahda Warbahinta ee ka howlgasho Magaalada Muqdisho.

Bishaani gudaheeda ayaa waxa Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Wariyeyaal badan oo qaarkood ku dhintay qaraxyo Ismiidaamin ah halka kuwa kale loo dilay qaab abaabulan, iyadoo aan jirin cid wax iska waydiisay dilalkaasi iyo cid sharciga loo soo taagay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter