Afgooye: (Sh. M. Network) Dadka ku sugan deegaanka Muuri ee gobolka Sh/hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay ka cabanayaan dhac iyo boob ay kala kulmaan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo ku sugan gudaha deegaankaasi.
Dadkaani ayaa sheegay in Kooxahaani inta badan ay bartilmaameedsadaan xilliyada habeenkii ah, iyagoo sheegay in dadka aysan bixin karin, maadaama ay ka cabsi qabaan in Kooxahaasi ay dhibaatooyin u gaystaan.
Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Sh/hoose Cabdullaahi Muuse Abuukar oo aan qadka Taleefonka kula xiriirnay cabashada kaddib ayaa waxa uu sheegay in Maamulka uu ka warqabo cabashada kasoo yeeraysa dadka ku sugan deegaanka Muuri, wuxuuna tilmaamay in Maamulka Dowladda ay wadaan qorshooyin wax looga qabanayo dhibaatooyinkaasi.
Inta badan dadka ku sugan deegaannada ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay gacanta ku hayso Dowladda ayaa waxa ay ka cawdaan Kooxo ku labisan dharka Dowladda oo dhac u gaysta, waxaana Saraakiisha Ciidanka ay marar badan sheegeen inay wax ka qabanayaan arrimahaasi, inkastoo aan horey loo qaadin tallaabo muuqata.























Comments are closed.