BAYDHOBO (Sh.M.Network)—Kadib Dagaallo xalay ka dhacay gudaha magalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay ayaa dagaladaasi waxaa faahfahin ka bixiyay Saraaksha Ciidamada dowlada ee Gobolkaasi.
Mahad C/raxmaan oo ah Taliyaha Ciidamada Booliiska oo la hadlay Idaacadda Shabeelle ayaa waxa ka hadlay Dagaladii xalay ka dhacay magalada Baydhabo, waxana u sheegay in dagaladaasi ay kusoo qaadeen Dagaalyahanno katirsan Al shabaab.
Taliyaha ayaa waxa u tilmaamay in weerarka ay Al shabab kusoo qaadeen Guriga uu magalada Baydhabo ka degganyahay Gudoomiyaha Degmada Baydhabo,waxaana uu Sheegay in dagaalkaasi uu socday Mudo Saacado ah islamarkaana ay iska caabiyeen Kooxihii Weerarka kusoo qaaday sida uu hadalka u dhigay.
Dhankale Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Bay Mahada C/raxmaan waxa uu ka warbixiyay Khasaarihii ka dhashay dagaaladaasi,isgoona xusay in ay Khasaaro Lixaad leh gaarasiin Al Shabaab, islamarkaana ay ka dileen dhowr dagaalyahan halka tiro kalana ay dhaawaceen.
Mahad waxa uu beeniyay in wax Khasaaro ah uu kasoo gaaray Ciidamada dowlada ee wararka lagu soo qaaday.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxaya dhinaca Al shabab oo ku aadaan weerarakii ay xalay ku qaadeen Guriga Gudoomiha magaalada Baydhobo.
Ma ahan markii ugu horaysay oo ay Al shababab sedan oo kale ay weerar ku qaadaan xaruumaha iyo Saldhigyada Ciidamada iyo Mas’uuliyiin tan iyo markii ay lumiyeen awoodii iyo gacan ku hayntii magaaladaasi horaanta Sanadkan.



















Comments are closed.