Fahfaahin Ka Soo baxeysa Qarax Xalay Ka dhacay Nairobi

maalik_som December 6, 2012 Comments Off

Nairobi (Sh.M.Network)— Ka dib markii xalay Nairobi uu ka dhacay qarax  ayaa waxaa saaka ka soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan qasaaraha uu qaraxaasi geestey iyadoo la sheegayo in qaraxaasi uu ahaa nooca gacanta laga tuuro.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Soomaalida u badan tahay ee Islii gaar ahaan meel u dhow xarun ciidamada Cirka Dalka Kenya ay leeyihiin .

Wararka dheeraadka ah ee saaka la helaayo ayaa sheegaya in qasaaraha qaraxii xalay uu gaarayo ilaa 8 qof oo dhaawac ah oo dhamaantood la sheegey iney yihiin dad rayid ah.

Lama oga cida rasmiga ah ee ka dambeesa qaraxaasi xalay gilgiley Magaalada Nairobi balse Dowladda Dalka Kenya ayaa mar walba sheegta in qaraxyada ka dhaca dalka Kenya ay ka dambeeyaan Ururka Alshabaab.

Ciidamada Boliiska Dalka Kenya ayaa xalay ka wadey Xaafada Islii Howlgalo iyadoo isku socodka dadka  iyo ganacsiga uu saaka yahay mid caadi ah .

Comments are closed.

Facebook

Twitter