Faarax Macallin: Al Shabaab wali way joogaan Kismaayo

maalik_som September 30, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network)   Barlamanka dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Al Shabaab wali ay ku sugan yihiin gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose. 

Guddoomiye ku xiggeenka barlamanka dalka Kenya Faarax Macallin oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in wali Al Shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Magaalada Kismaayo, islamarkaana Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalidana aysan gudaha u gallin, hase ahaatee ay ka go’an tahay inay hantiyaan Kontorolidda Magaaladaasi. 

“Al Shabaab way joogaan Kismaayo, Ciidamada si fir fircoon wali gudaha uma gallin, laakiin go’aanka wuxuu yahay in lala wareego Magaalada oo la xaqiijiyo ammaankeeda sidaasi waxa yiri Faarax Macallin. 

Sidoo kale waxa uu sheegay in diyaaradaha duqeeya Kismaayo bartilmaameedkoodu uusan aheyn dad shacab ah, maadaana ay jiraan dad badan oo wax ku noqday duqeymahaasi. 

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Gaas iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamada Dowladda kaga digay inay ku deg degaan gallitaanka Magaalada Kismaayo oo ay sheegeen in Al Shabaab ay miinooyin badan ku aaseen gudaha Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter