Afgooye: (Sh.M.Network) — Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qarax Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagula eegtay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Guddoomiye ku xxigeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Sh/hoose Axmed Cumar Mudane oo la hadlay Warbahinta ayaa waxa uu faahy faahin ka bixiyay qarax Miino oo shalay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagula eegtay Deegaanka Shalanbood ee gobolka Sh/hoose.
Guddoomiyaha ayaa waxa u sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday hal Askari, halka mid kalena uu dhaawacmay, isagoo xusay in qaraxyada inta badan ka dhaca gobolkaasi ay ka foojigan yihiin sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray in baaritaanno ay ku hayaan sababihii ka dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay halkaasi.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay Ciidamada Dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay deegaanka Shalanbood ee gobolka Sh/hoose kaasi oo la sheegay inay ka dhasheen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya.























Comments are closed.