faah faahino ka soo baxaya rabshado kadhacay Hargeysa Somaliland

maalik_som December 8, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Inta la og yahay 4 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen shalay kadib markii dibad baxyo looga soo hor jeeday doorashooyinka golaha deegaanka ee maamulka S/land ay ka dhaceen Magaalada Hargeysa.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii dad badan oo ka caraysan doorashada golaha deegaanka ay isugu soo baxeen xaafado dhawr ah oo ku yaalla Magaalada Hargeysa kadibna ay gacanta isula tageen booliska Magaaladaasi.

Wasiirka Arimaha gudaha ee S/land Maxamed Nuur Cawaale iyo Taliyaha Ciidamada booliska oo si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Hargeysa ayaa ugu baaqay shacabka S/land gaar ahaan kuwa Hargeysa ay dejiyaan xaaladda si ammaanka aanu faraha uga bixin isla markaana aan laga faa’iidaysan

Xaalada ayaa degan maanta iyadoo booliskuna ay adkeeyeen ammaanka Magaaladda hargeysa iyadoo laga cabsi qabi karo in rabshado kale ay ka dhacaan hargeysa

Comments are closed.

Facebook

Twitter