Faah faahin Qaraxii Ismiidaaminta iyo AL Shabaab oo sheegtay

maalik_som October 6, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh.M.Network)—    Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa Faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Kontorolka Baar-Ismaaciil degmada Afgooye  ee gobolka Sh/hoose, iyadoo dhinaca kale Al Shabaab ay sheegteen Mas’uuliyadda qaraxaasi. 

Guddoomiye ku xiggeenka Maamulka gobolka Sh/hoose Max’ud Cumar Carabey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu fuliyay qofka iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isagoo xusay in Ciidamada Dowladda ninka is qarxiyay ay ka horistaageen in uu gudaha u galo Kontorolka Baar Ismaaciil oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Militari ah oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. 

“ Ninka iska qarxiyay Kaligiisa ayaa ku dhintay, cid wax ay soo gaareen majirto, wuxuu dambcay in uu gudaha u galo  Kontorlka Baar Ismaaciil, Ciidamo badan ayaa ku jiray goobta, laakiin waa la fashiliyay Askarta ayaa u diiday in u gudaha u galo, kaddibna wuu is qarxiyay” sidaasi waxaa yiri Guddoomiye ku xiggeenka Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Websiteyada taageera Al Shabaab oo soo xiganaya Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu dilay inka badan 20-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Militariga Dowladda kuwaasi oo la sheegay in loo diyaarinayay in la geeyo farumaha dagaalka ee degmada Wanlaweyn ee Sh/hoose. 

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa degan, waxaana Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadaan goobtaasi, iyadoo aan la ogeyn cidda ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

AMISOM iyo Dowladda oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay degmada Afgooye 23-ka bishii Augusts ee sanadda 2012-ka, waxaa qaraxaani uu noqonayaa kii labaad ee ka dhaca gudaha degmadaasi gaar ahaan Kontorolka Baar Ismaaciil.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net

Comments are closed.

Facebook

Twitter