Weerarkii Ismiidaaminta (Sawirro) Naxdin leh

maalik_som September 12, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qaraxyo  daqiiqado ka hor lagu weeraray Hotel uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud. 

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa kaasi oo soo istaagay banaanka Hotelka islamarkaana halkaasi isku qarxiyay.

Labo askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo  labo kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa ku geeriyooday, iyadoo isku dar dhimashada ay gaarayso 5-ruux oo uu ku jiro qofkii is qarxiyay, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. 

Intaasi kaddib ayaa waxa dhacay qarax isna loo adeegsaday gaari oo ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn Hotelka, waxaana la arkayaa Qofka si qarxiyay oo jirkiisa cad cad u go’ go’ay. 

Hotelka oo lagu magacaabo Jasiira ayaa waxa uu ku yaallaa wadada dheer ee xiriirisa Isgoyska KM-4 iyo Eleboorka Muqdisho gaar ahaan kasoo horjeedka Magareeshanka, waxaana Hotelka kullan ku lahaa Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Wafdi ka socda Midowga Afirka iyo Ra’iisul wasaarihii Dowladda KMG ah ee C/wali Max’ed Cali Gaas. 

Gawaari Ambalaas ah ayaa lasoo dhoobay goobta ay ka dhacday Mashaqada, waxaana halkaasi ay ka daabulayaan dhaawacyada , iyadoo ay xusid mudan tahay in qaraxa uu dadka ka agdhawaa ku beeray Aarggaxa.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh  Cali Max’ud Raage (Cali dheere) ayaa ka hadlay qaraxaasi, isagoo sheegay in ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda iyo rag kale oo uu sheegay inay kusoo dulleen dalka.

Waa qaraxii ugu horeeyay oo lala eegto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud, iyadoo qaraxa uu yahay fariin cad oo loo dirayo Madaxweynaha, loona baahan yahay in uu wax ka qabto ammaanka.

Fadlan Ka fogow Sawirrada Haddii aan Xamili karan.

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter