Faah faahin laga bixiyay qaraxyo ka dhacay Baydhabo

maalik_som September 30, 2012 Comments Off

Baydhabo: (Sh.M.Network)   Guddoomiyaha gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya C/fitaax Ibraahim Geeseey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qarax shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo kaasi oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

C/fitaax ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi kaddib Ciidamada Dowladda ay howlgallo sameeyeen ay kusoo qab qabteen illaa 3-ruux oo uu sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan qaraxaasi, islamarkaana hadda ay ku wadaan baaritaanno, haddii ay dambi ku cadaatona tallaabo laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada Dowladda inay sii wadaan xaqiijinta ammaanka Magaalada Baydhabo, isagoo dhinaca kale tilmaamay in shacabkana dhankooda looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sugidda ammaanka.

Shalay ayay aheyd markii qarax lagu weeraray Ciidamo la sheegay inay ku sugnaayeen gudaha Magaaladaasi, iyadoo la tilmaamay in qaraxaasi uu qasaaro u gaystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter