Baladweyne: (Sh.M.Network) — Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen gudaha Magaalada Baladweyne.
Kaddib markii Ciidamo ka tirsan Soomaaliya ay saakay howlgallo ballaaran ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa howlgalladaasi dadkii lagu soo qab qabtay waxaa faah faahin ka bixiyay Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka Maamulka gobolka Hiiraan Max’ud Nuur Cago-joof oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in howlgalladaani ay kusoo qab qabteen tiro dad ah oo uu sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, isagoo xusay in dadkaasi lagu wareejiyay Xarunta Saldhigga Booliska ee Magaalada, halkaasina su’aalo lagu waydiinayo.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxa uu intaasi ku daray inay adkeeyeen ammaanka Magaalada Baladweyne, iyadoo laga cabsi qabo inay ka dhacaan falal aargigixisonimo oo ay gaystaan Kooxo ka tirsan Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geysanayay Ciidamada Dowladda iyo dadka kale ee waxgalka u ah bulshada, iyadoo Maamulka iyo Saraakiisha ku sugan Baladweyne ay ballan qaadeen inay ka hortagayaan dhibaatooyinkaasi.























Comments are closed.