Qarax qasaaro u gaystay dad rayid ah, Muqdisho

maalik_som September 12, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax qasaaro gaystay oo ka dhacay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir. 

Inta la og yahay afar ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 10-kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kaddib markii Gaari BL-ah oo marayay Isgoysyaraha Jiiro Garoob degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir uu la kacay Miinada nuuca dhulka lagu aaso. 

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay ay ahaayeen kuwa rayid ah, iyagoo sheegay in durbadii goobta uu qaraxa ka dhacay ay gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay baaritaanno. 

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi Miino ayaa loola cararay Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in goobta ay Miinada ka qaraxday ay aheyd meel ay dadka deegaankaasi ay ku ganacsadaan. 

Qaraxaani ayaa waxa uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaasi ay qasaaro kasoo gaaraan dadka rayidka ah ee ka agdhow goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan.  

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter