Baladweyne: (Sh.M.Network)—Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo saacadihii u dambeeyay Ciidamada Ethiopia lagula eegtay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso islamarkaana ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada Ethiopia, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 10-ruux oo 6-ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Xilliga qaraxa lala eeganayay Ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay howlgallo Miino baaris ah ka wadeen Xaafadda Xawaadley ee Bariga Magaalada Baladweyne, halkaasi oo la sheegay inay kasoo saareen Miinooyin gaarayay 20 oo xalay lagu aasay.
Ciidamada Ethiopia ayaa qaraxa Kaddib waxa ay fureen rasaas xooggan, waxaana Xaafadda Xawaadley gaaray Ciidamo kale oo Ethiopian ah kuwaasi oo Bandow galiyay Magaalada, maadaama ay Ceel-biyood halkaasi ku yaalla ay ka dhaansanayeen Biyo.
Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Hiiraan Axmed Inji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in qaraxa ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah islamarkaana ay aad ugu xun yihiin.
“Walaal waan ka xunnahay qaraxa dad rayid ah ayaa wax ku noqday, Al Shabaabna waxaan ka fashilinay qaraxyo badan oo ay ku aaseen halkaasi” sidaasi waxa yiri Axmed Inji.
Howlgallo ballaaran oo ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa la sheegay inay kusoo qab qabteen illaa 8-ruux oo la sheegay inay ahaayeen dhalinyaro Xaafadda Xawaadley ku aasay Miinooyin sida uu sheegay Guddoomiye ku xiggeenka Maamulka gobolka Hiiraan Axmed Inji.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan qaraxaasi iyo howlgallada la sheegay in lagu qab qabtay Rag Shabaab, hase ahaatee Magaalada Baladweyne ayaa mararka qaar waxa ka dhaca falal liddi ku ah ammaanka Magaaladaasi.























Comments are closed.