faah faahin ka soo baxeysa qarax xalay ka dhacay degmada Hodan

maalik_som October 20, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Taliska Ciidanka booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Bom gacmeed Xalay lagu weerar Xaflad Aroos oo ka dhacaysay degmadaasi.

Taliye kuxigeenka Ciidamada booliska degmada Hodan Gaashaanle Cali Max’ed Salal oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan soo qabashada dadkii ku luglahaa Bom gacmeed Xalay lagu weerar Xaflad Aroos oo ka dhaceysay Xaafada warshada Caanaha ee degamada Hodan.

Goob joogayaal ka ag dhawaa goobta qaraxa bambaano lagu weeraray ee xafladda aroos ay ka dhaceysay ayaa waxa ay Idaacadda Shabelle uxaqiijiyeen in bambo nuuca gacanta laga tuuro ay kusoo dhacday madasha xafladda oo ahayd todobo islamarkaana dhalinyaro ka qayb galeysay Munaasabadda ay halkaasi ku soo bandhigayeen ciyaaro qoob ka ciyaara.

Goob Joogayaashu waxa ay shabelle uxaqiijiyeen in ay ku dhawacmeen qaraxaasi illaa 12 qof oo ay ku jirto haweneyda dhashay wiilka arooska ahaa iyadoo sidoo kale dadka dhaawacmay ay ku jiraan wiil yar iyo hooyadiis oo xaladooda caafimaad laga deyrinayo

 Saraakiisha Booliska degmada ayaa waxa ay ku’eedeeyeen weerarkaasi Xarakada Al Shabaab iyagoo dhanka kalena shaaca ka qaaday in ay weli wadaan howlgallo lagu baarayo ciddii ka dambeysay falkaasi wuxuushnimo 

Comments are closed.

Facebook

Twitter