Faah faahin ka soo baxeysa iska hor imaad kadhacay duleedka Boosaaso

maalik_som January 4, 2013 Comments Off

Boosaaso (Sh.M.Network)— Xilli xalay iska hor imaad qasaaro geystay uu ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulka Puntland iyo kooxo hubeysan ayaa waxa faah faahin dheeraad ah ka soo baxaysaa qasaarihii ka dhashay dagaalkaasi.

Ilo lagu kalsoonyahay oo Sheblle la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay sii kordheyso tirada dadka ku  dhintay dagaalkaasi oo ka dhacay  deegaanada Laago iyo Toga Sugure oo qiyaastii meel 30km u jirta Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Saraakiisha dhinacyda dagaalamay ayaan wax faah faahin ah ka bixin qasaaraha soo kala gaaray hase yeeshee dadka deegaanka ayaa waxa ay xaqiijinayaan in qaar ka mid ah dhinacyayadii dagaalamay ay u geeriyoodeen dhawacyo halis ah oo soo gaaray.

Xaaladda goobitii lagu dagaalamay ayaa hada dagan waxaana gacanta ku haya Ciidamada Maamulka Puntland oo hore halkaasi ugu sugnaa.

Xalay ayay aheyd markii dagaalyahanada Buuraleyda Gal-galato  ay dagaal ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada maamul goboleedka Puntland ay ku lahaayeen deegaanada Laago iyo Toga Sugure oo qiyaastii 30km ujira Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, dagaalkaasi oo sida la sheegay ay ku geeriyoodeen ilaa iyo sadax ruux oo uu mid ka mid ah yahay Al Shabaab halkan labadan kalana ay ahayaeen Ciidamada Puntland tiro intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen.

Comments are closed.

Facebook

Twitter