Addis Ababa: (Sh.M.Network) War kasoo baxay Dowladda Ethiopia ayaa lagu sheegay in Dowladda Ethiopia ay si aad ah u cambaareynayso Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu weeraray Maqaayadda The Village ee Guriga Hooyooyinka halkaasi oo ay ku dhinteen dad badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale.
Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Ambassador C/casiis Axmed Aadan oo ay la xiriirtay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dowladda Ethiopia ay diyaar u tahay inay wax ka qabato dhaawacyada qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa islamarkaana lagu daweeyo dalkeeda.
Safiirka ayaa sheegay in marna Ethiopia aysan joojin doonin taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.
Gallinkii dambe ee shalay ayay aheyd markii qaraxyo Ismiidaamin ah lagu weeraray Guriga Hooyooyinka gaar ahaan Baar The Village halkaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah oo ay ku jiraan Saxafiyiin Soomaaliyeed.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.