Ethiopia iyo Jabhadda ONLF oo wada hadal galaya

maalik_som September 9, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wada hadalka la fillayo in uu dhexmaro Dowladda Ethiopia iyo Jabhadda ONLF ayaa sida la sheegay waxaa garwadeen ka noqon doonta Dowladda Kenya oo iminka u muuqanaysa inay doonayso xal ka gaarista dhibaatooyinka mudada dheer ka aloolsan deegaannada is Maamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia. 

C/nuur Cabdullaahi Faarax oo ka tirsan Jabhadda ONLF, lana hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in wada hadallada dhexmari doona Dowladda Federalka Ethiopia iyo Jabhadda uu ka tirsan yahay lagu xallin doono dhibaatooyinka ka jira deegaannada ismaamulka Somaliland ee dalka Ethiopia iyo dagaalada u dhaxeeya labada dhinac. 

Wax waliba ayaa kasoo bixi kara wada hadallada ayuu yiri Mas’uulkaani ka tirsan Jabhadda ONLF, isagoo rajo ka muujiyay in la isku afgaran doono waxyaabaha la doonayo in Dowladda Ethiopia iyo Jabhadda ay ka wada hadlaan. 

Jabhadda ONLF ayaa muddo dheer waxa ay dagaalo kula jirtay Dowladda wadanka Ethiopia, waxaana dagaaladaasi sida la sheegay ku dhintay dad aad u farabadan oo isugu jira Ciidamada Ethiopia, Jabhadda ONLF iyo dad shacab ah.

Comments are closed.

Facebook

Twitter