Muqdisho(Sh.M.Network)—Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ladagaalami doonaan Ciddii ay ku arkaan iyadoo Jidgooyo ay utaallo Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir.
Ereg ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ladagaalanka kooxaha Jidgooyooyinka soo dhiganayo xaafadaha Magaalada Muqdisho iyagoo qaadanaya awaamiirtii uu Madaxweynaha Soomaaliya uu kumamnuucay Canshuurihii uu Maamulka Gobolka Banaadir uu qaadi jiray iyo isbaarooyinkii faraha badnaa ee lacagaha looga qaadi jiray Gaadiidka isaga kala goosha xaafadaha Magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka
Taliyaha ayaa waxa uu tibaaxay in tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan Ciddii ay ku arkaan iyagoo jid gooyo dhigtay Magaalada Muqdisho sida uu hadalka udhigay
Dhinaca kale Hey’adda Nabad sugidda ayaa maanta waxa ay soo bandhigtay labo wiil oo dhalin yara ah oo Taliyuhu uu sheegay in ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda Maadaama ay ka tirsanaayeen Al Shabaab sida uu hadalka udhigay waxaana uu intaa sii raaciyay in raggaasi ay ahaayeen Saraakiil Sar sare oo Ururk AL Shabaab ka tirsanaa isagoo tilmaamay in Cid walba oo ka soo goosaneysa Al Shabaab ay soo dhaweenayaan
Hey’adda Nabad Sugidda ayaa dhowr jeer sidaan oo kale usoo bandhigtay rag lasheegay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya
























Comments are closed.