Afgooye (Sh.M.Network)— Wararka laga helaayo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in Deegaano hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Sheelada Hoose ay duqeeyeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Sh.Hoose.
Wararka waxa intaas ay ku darayaan in Ciidanka Amisom ee fadhiisin ku leh Carbiska ay duqeeyeen Deegaanka Dhanaane ee hoos taga Degmada Afgooye oo la rumesan yahay in ay kuu dhuumaaleysanayaan rag ka tirsan Ururka Alshabaab.
Lama oga Qasaaraha Saxda ah ee ka dhashey duqeyntaasi Balse dadka deegaanka afgooye ayaa xalay maqlayey Daryanka Madaafiicda halkaas oo la rumeysan yahay in fadhiisin ay ku leeyihiin xarakada Shabaab.
Ma jirto Wax war ah oo ka soo baxey Ciidamada Amisom hasa ahaatee Gudoomiye ku xigeynka dhinaca Arimaha Bulshada ee Gobolka Sh.Hoose oo Shabelle la xariirtey iney jiraan madaafiicdaasi balse uusan xaqiijin karin qasaaraha dhabta ah.
Dadka degnaa Degmada Dhanaane ayaa xalay halkaasi isaga barakacay ka dib markii dhowr madaafiic oo gaarayey 16 madfac ay ku dhaceyn Degaanka Dhanaane.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.