Dowladda Uganda oo beenisay in 2-kun oo Askari looga dilay Soomaaliya

maalik_som November 2, 2012 Comments Off

Muqdisho-(Sh.M.Network)— Dowladda Uganda ayaa beenisay in Askar ka badan 2-kun looga dilay gudaha dalka Soomaaliya tan iyo markii ay ku soo biireen howlgalka AMISOM. 

Afhayeenka Ciidamada Uganda Korneel Felix Kulayigye oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in Askar ka badan 2-kun looga dilay gudaha Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya qasaaro intaasi la eg uu san soogaarin intii ay ku suganaayeen Soomaaliya. 

Korneel Felix Kulayigye ayaa sheegay in tan iyo markii ay ciidamadooda u soo direen Soomaaliya sanadii 2007-dii marka la isku daro iyaga iyo kuwa Burundi ay ka geeriyoodeen askar ka yar sida uu hadalka u dhigay 500-Askri. 

Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa ku tilmaamtay warka sheegaya in 2-kun oo Askari looga dilay Soomaaliya uu yahay mid nasiib daro ah oo looga soo horjeedo howlgalka guulaha gaaraya ee AMISOM ee ka soconaya dalka Soomaaliya. 

Hdalka Afhayeenka Ciidamada Uganda Korneel Felix Kulayigye ayaa ku soo beegmaya Xilli Kuxigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Mr Richard Onyonka uu sheegay in 2,700 oo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Uganda ee ku geeriyoodeen dagaalada ka soconaya Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter