Qaahira: (Sh.M.Network)—Shir ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Xafiiska dhinaca Warbaahinta ee Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Cunnada Beeraha ee FAO oo iyana ka mid ah Qaramada Midoobay, loogana hadlayay maalinta Cunnada Adduunka ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Kullankaani oo ay kasoo qeyb galeen Madax ka kala socota dalalka Carabka ayaa waxa ay si kala gooni gooni ah uga hadleen sida ugu macquulsan ee looga hadli karo dalal dhowr ah oo ku yaalla qaaradda Afrika iyo Asia.
Dowladda Sacuudiga Carabiya oo kullankaasi goob joog ka aheyd ayaa waxa ay ku dhawaaqday in shacabka Soomaaliyeed ay ugu deeqayso 50-Milyan oo dollar-ka ah si wax looga qabto Xaaladaha qalafsan ee ka jira gobolo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Dr. Samiir Ladhiif oo ah u qeybsanaha Dowladda Masar dhinaca farsamada Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qaaradda Afrika ayaa ku dheeraaday sida ay ugu go’an tahay dalalka Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta inay garab istaagaan dalal ay ka mid yihiin Soomaliya, Syria iyo Afghanistan.























Comments are closed.