Jowhar (Sh.M.Network)— Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay si Nabad ah ula wareegay Magaalooyinka Jowhar iyo Mahaday.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalooyinka Jowhar iyo Mahaday ee gobolka Sh/dhexe, Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si nabad ah ula wareegay labadaasi Magaalo, kaddib markii dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ay faarujiyeen.
Afhayeenka Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Sh/dhexe ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in Ciidamda dowladda iyo kuwa AMISOM barqanimadii Saakay ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka, iyagoo kaddib u sii tilabay degmada Mahaday ee isla gobolkaasi.
Dad ku sugan Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gaadiidka dagaalka AMISOM iyo kuwa Ciidamada dowladda lagu dhax arkayo Magaalada, islamarkaana ay si nabad ah gaadiidka dowladdu ku dhaxmarayaan Magaaladaasi.
Lawareegitaanka Ciidamada dowladda iyo AMISOM ee degmooyinka Jowhar iyo Mahaday ayaa timid markii Al Shabaab ay faarujiyeen labada Magaall, mana jiraaan wax war ah oo ku aadan la wareegitaanka Mahaday iyo Jowhar oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab.



















Comments are closed.