Dowladda Jabuuti oo sheegey in Amniga al kala shaqeyn Doonaan Dowladda Soomaaliya

maalik_som December 5, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo Wareysi siinayey Idaacada Shabelle Ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegey in dowladiisa ay gacan ka siin doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u dhiska hay’addaha amniga maadaama amniga uu yahay baahida ugu weyn ee uu u baahan yahay cidkasta oo dunida ku dhaqan sida hadalka uu u dhigey Safiirka jabuuti ee Soomaaliya u fadhiya.

Dayib Dubad Rooble Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay ka faaideestaan fursad uu sheegey iney soo martey oo ku aadan maxalada cusub ee dalka uu si galaayo maadaama is badal la taaban karo uu ka dhacay asigoo carabka ku dhuftey mudo ka dib in Soomaaliya ay cagta sii saareyso wadiiqada Nabada taasoo uu tilmaamey in shacabka ay iyaga ilaashan karaan amaba ay iska beel dareen karaan .

Jabuuti ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladdaha xubinta ka ah ururka midowga afrika ee ciidamadooda ay ku sugan yihiin Soomaaliya iyadoo dhawaan wasiirka gaashaandhiga Dowladda Jabuuti oo booqasho ku yimid magaalada Baladweyne ee xarunta Goblka Hiiraan halkaasi uu ka balanqaadey in ciidamo dheeri ah Dowladiisa ay markale usoo direyso Soomaaliya si ay uga sii qeyb qaataan how galka nabad Ilaalinta AMISOM.

Comments are closed.

Facebook

Twitter