Dowladda Iyo Ahlusunna oo ka wada hadlay Ammaanka Gobolka Galgaduud

maalik_som March 5, 2013 Comments Off

Dhuusamareeb (Sh.M.Network)—kadib Kulan ballaaran oo dhexmaray Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca iyo Madaxda dowladda Federaalka  Soomaaliya oo ka dhacay Gobolka Galgaduud kaasi oo  looga hadlayay Ammaanka gobolkaasi ayaa waxaa Idaacadda Shabelle faah faahin ka siiyay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Maamulka dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Xasan Ciyow  isagoo tilmaamay in la isku afgartay waxyaabihii looga hadlay kulankaasi.

Axmed Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in diiradda lagu saaray kulanka sida loo horumarin lahaa Gobolka ciidamadana loon xareen lahaa sidoo kalena Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu soo hadal qaaday in Ra’isal Wasaaraha iyo wafdiga uu hogaaminayo in ay gaaraan Degmooyin kale oo ka tirsan Gobolkaasi Galgaduud si ay kulamo ula qaataan waxgaradka iyo Masuuliyiinta ku sugan Gobolkaasi.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ay Gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Comments are closed.

Facebook

Twitter