Caabudwaaq (Sh.M.Network)—Saraakiisha Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa xalay heshiis lagaaray Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee iminka safarka ku jooga Gobolka Galgaduud.
Kulan gaar ah oo looga hadlayay sidii Ciidamada Alusunna Waljamaaca loogu soo biirin lahaa kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Masuuliyiin kakala tirsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku yeesheen Degmada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud
Ahlusunna Waljamaaca ayaa kulankaan waxa uu matalayay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ururkaasi Cabdi cali Fiidow iyo Guddoomiyaha Gudiga Talada Sheekh Cumar Sheekh Cabdi qaadir halka dowladana ay u matalayeen kulankaasi Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi.
Labada dhinac ayaa islameel dhigay in ciidamada Ahlusunna Waljamaaca lagu soo daro kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana iskaashi buuxa ay sameeyaan si looga itaal roonaado Xoogaga Ururka Al Shabaab.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya oo kulanka kahadlay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamada Ahlusunna Waljamaaca loo furi doono tababarro islamarkaana laqalabeyn doono.
Wasiirka ayaa uga Mahad Celiyay Ahlusunna Waljamaaca sida ay Masuuliyadda isaga saareen ladagaalanka Kooxaha Argigixisada ee caqabadda ku ah Ammaanka iyadoo Masuuliyiintii Ahlusunna Waljamaaca ee ka qayb galay kulankaasi ay dhankooda soo dhaweeyeen qodobada Ka soo baxay shirkaasi.























Comments are closed.