Muqdisho: (Sh. M. Network) Barakacayaashaani oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka codsadeen in uu dib udajin usameeyo.
Barakacayaashaan ayaa waxa ay tilmaameen in dowladdii hore ee KMG ahayd ay ka gaabisay kaalintii waxqabad ee kaga aadaneyd dadka ku soo barakacay gudaha Magaalada Muqdisho kagadaal markii abaara baahsan ay ku dhufteen qaar ka mid ah gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Barakacayaashaan ayaa sidoo kale waxa ay xuseen in Hay’adaha samafalka iyaguna ay ka gaabiyeen kaalintii gar gaarka bini’aadannimo ee kaga aaddanaa in ay u sameeyaan barakacayaasha ku dhibaateysan Muqdisho sida ay hadalka u dhigeen.
Ugu dambeyn Barakacayaashaan ayaa dalbaday in dib loogu celiyo deegaannadii ay kaga yimaadeen abaaro iyo colaad daraadeed, iyadoo haatanna ay door bidayaan in Madaxweynaha uu ku caawiyo dib udajintooda.























Comments are closed.