Dowladda: Ciidamada yaysan ku deg degin gallitaanka Kismaayo

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa kaga digay Ciidamada qalabka sida inay gudaha u galaan Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose.

Kaddib shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen Magaalada Muqdisho siihayaha xilka Wasaaradda Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise iyo Abaan-duulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa waxa ay uga digeen Ciidamada Dowladda inay gudaha u gallaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.

Xuseen Carab Ciise ayaa waxa uu Ciidamada qalabka sida uga digay inaysan ku deg degin gallintaanka Magaalada Kismaayo oo ay ka baxeen Al Shabaab, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in Magaalada la qabto, iyadoo uusan wax dhiig ah ku daadan, shacabkana ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya.

“ Ciidamada dowladda ha joogaan Daafadaha Kismaayo, yaysan ku deg degin Kismaayo, Xaaladda ha dejiyaan, Magaalada waxa ka jiri kara dhibaato” sidaasi waxa yiri Abuun-duulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan).

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya marar badan ay ku eedeeyeen Al Shabaab in meelaha ay ka baxaan ay ku aasaan Miinooyin taasi oo qasaaro u gaysata dadka shacabka iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter