Nairobi: (Sh.M.Network) Dowladaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday maalin ka hor Baarka The Village oo ku yaalla Gurriga Hooyooyinka kaasi oo ay ku geeriyoodeen inka badan 20-ruux oo dhamaantooda ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
U qeybsanaha Dowladda Ingiriiska ee Qaaradda Afrika Mack Seymony oo soo saaray Warsaxaafadeed ayaa waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska hadallada ugu kul kulul ay ku cambaareynayso qaraxyadaasi, isagoo xusay in Calaamadda qaraxyadaasi ay yihiin kuwii looga bartay Al-qaacidda, iyagoo bartilmaameedsanaya dadka wax galka u ah bulshada, doonayana inay aamusiyaan bahda Saxaafadda.
Sido kale Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Faransiiska Philip ayaa waxa uu dhankiisa sheegay in Dowladda Faransiiska ay cambaareynayso qaraxyadaasi, islamarkaana Dowladda Faransiiska ay ka qeyb qaadanayso tacadiyada loo geysto dadka shacabka ah.
Maalin ka hor ayay ahedy markii Kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen Baar laga qaxweeyo oo ku yaalla meel u dhow tiyaatarka qaranka halkaasina lagu xasuuqay dad badan oo rayid ah oo isugu jiray Bulshada qeybaheeda kala duwan.























Comments are closed.