Muqdisho: (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Xerooyinka Magaalada Muqdisho oo arragtiyo kala duwan ka bixiyay ka gudbidda Marxaladda Kameel gaarka ah ee waddanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ugu horeyn waxa ay soo dhaweeyeen ku dhawaqista barlamanka cusub ee Soomaaliya iyo Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.
Barakacayaashaani ayaa waxa ay sheegeen inay yihiin dadka ugu badan oo dhibaatadii cusleyd soo martay dalka ay ku dhacday islamarkaana heli waayay xuquuqdii ay lahaayeen, iyagoo sheegay in Dowladihii soo maray dalka aysan xilka iska saarin u gurmashada dadka ku dhaqan Xerooyinka Magaalada Muqdisho sida ay hadalka u dhigeen.
Sidoo kale Barakacayaasha ayaa cod dheer waxa ay ugu baaqeen Dowladda cusub ee soo socota inay si cadaalad ah wax ugu qabato dhibaatooyinka gaamuray oo hadda haysata dadkaasi. Mar waliba ay u baahan yihiin in gacan lasiiyo, iyagoo dhinaca kale rajo ka muujiyay in hoggaamiye daacad ah wax badanna ka qaban kara marxaladda waddanka uu hoggaamin doono Umadda Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan Doorashooyin Madaxtinimo muddo sanado kaddib, iyadoo dad weynaha Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ay indhaha ku wada hayaan isbadalka siyaasadeed ee iminka ka muuqda Soomaaliya, waxaana dad badani ay ka dhowr sugayaan cidda ku guuleysan doonto xilka Madaxtinimo xilli Musharixiin badan ay u taagan yihiin xilkaasi.























Comments are closed.