Muqdisho: (Sh. M. Network) Maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya iyo ku xiggeenadiisa xilli ay jiraan Musharixiin badan oo u taagan qabashada xilkaasi.
Afhayeenka guddiga qaban qaabada Doorashooyinka barlamanka Xildhibaan Cismaan Libaax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay sida maanta lagu wado inay u dhacdo Doorashada, wuxuuna xusay in 24-saac gudahooda loogu talagalay inay kusoo gaba gabowdo Doorashadaasi.
Sidoo kale Cismaan Libaax ayaa waxa uu sheegay in si wanaagsan ay usocota Doorashada islamarkaana wax waliba ay diyaar yihiin, looguna talagalay in jawi wanaagsan ay kusoo gaba gabowdo Doorashadaasi.
Doorashada xilka Guddoonka sare ee barlamanka ayaa maanta waxaa u tartamaysa Musharixiin badan, iyadoo aan la ogeyn cidda ku guuleysan doonta Xilkaasi.























Comments are closed.