Garoowe-(Sh.M.Network)—Doon hub iyo waxyaabo qarxa sida ayaa waxaa lagu qabtay xeebaha Maamul Goboleedka Puntland
Doontani oo siday hub fara badan iyo waxyaabaha qaraxa dhaliya oo lagu burburiyo taangiga ayaa lagu qabtay xeebaha Maamul Goboleedka Puntland iyadoo ay sheegeen Ciidamada Badda ee Maamul Goboleedka Puntland in ay ka soo qabteen deegaanka qandala.
Admiraal C/Risaaq Diiriye Taliyaha Ciidamada Badda ee Maamul Goboleedka Puntland oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deegaanka qandala ay ka soo qabteen dooni ay saarneed hub aad utira badan iyo walxaha qarxa, oo sida uu sheegay ay wateen dad ajnabi ah .
Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdi Samad Max’ed Galan oo isna ka hadlay soo qabashada doonidaas ayaa waxa uu umahad celiyay Ciidamada iyo saraakiisha soo qabtay isagoo kula dardaarmay in mar weliba ay foojignaadaan wuxuuna sidoo kale uu ku bogaadiyay sida dhiiran oo ay ufuliyaan howlgalkaasi.
Cabdi Samad Max’ed Galan ayaa sidoo kale waxa uu umahad celiyay ciidamada amniga iyo cid weliba oo ufududeysay saraakiishii howlgalkaani sameysay wuxuuna intaa sii raaciyay in ay tuhunsanyihiin in doonidani hubka siday ay ka timid dal carbeed sida uu hadalka udhigay
Inkastoo saraakiisha ciidamada Badda ee Maamul Goboleedka Puntland ay shaaciyeen in ay soo qabteen dooni saareed hub iyo waxyaabaha qaraxa ayaa hadana waxaan cadeen dalka sida rasmiga ah ay kaga timid doonidaasi iyo halka ay ku dambeeyaan kooxdii watay dooonidaasi
























Comments are closed.