Kismaayo: (Sh.M.Network) — Dooni Ganacsi ayaa wali ku xayiran Dekadda Magaalada Kismaayo, kaddib markii ay is hortaageen Ciidamada Kenya ee ku sugan dekadda Magaaladaasi.
Wararka saakay ka imaanaya dekadda Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in wali gudaha dekaddaasi ay ku xayiran yihiin Dooni Ganacsi oo ay shalay Ciidamada Kenya u diideen in Badeecado ay ka dejiyaan Dekadda Magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in Doomahaasi wali ay ku sugan yihiin Dekadda islamarkaana aysan qaadan go’aan Milkiilayaasha Doomahaasi oo ku aaddan inay dib u laabtaan amma ay badeecdaha ka dajiyaan Doomaha.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskamabooni ayaa midba mid kale doonaya inuu fasaxo doomahaasi, halka ciidamada Kenya la sheegay inay sugayaan ammar ka yimaada Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda.























Comments are closed.