Diyaargarowga Ciida oo laga dareemayo Muqdisho

maalik_som October 25, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Diyaargarow Xooggan ayaa laga dareemayaa suuqyada waaweyne ee magaalada Muqdisho kaasi oo ku aadan Ciidul Adhxa oo ku began Maalinta berri ah.

Shacabka ku nool Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayay suuqyada muqdisho, gaar ahaan Bacadlayaasha Dukaamada Macmacaanka iyo Goobaha lagu iibiyo Xoolaha,kuwaasi oo aad ugu mashuulsanaa adeegyada kala duwan ee ay kaga qeyb qaadanayaan Munaasabada Ciida.

Mid kamid ah dadka ka ganacsada Dharka oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay qaabka loogu dukaamaysanayo Bacadlihiisa.

Sidoo kale mid kamid ah dadka iibiya macmacaanka uu isna u waramay Shabelle ayaa waxa uu tibaaxay in qebaha kala duwan ee Macmacaanaka iibsigooda uu yahay mid iska dhexdhexaad ah, maadaama Ciidan ay tahay mida la qalo Xoolaha(Ciidul Adhxaa).

Inta badan Maalmaha Ciidaha oo ah kuwa aad ugu weyn Ummadaha Muslimka ah ee ku nool daafaha Caalamka ayaa si aad ah usoo dhoweeya.

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter