Kismaayo: (Sh. M. Network) Diyaarado dagaal iyo Maraakiib ayaa duqeymo ku ekeeyay Magaalada Kismaayo oo maalmihii dambe ay ka taag naayeen Xiisado dagaal.
Wararka ka imaanaya Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi Maraakiib iyo diyaarado dagaal ay la dhaceen duqeymo xooggan oo baqdin galisay dadka ku nool gudaha Magaaladaasi.
Diyaaradaha iyo Maraakiibta oo aan la ogeyn halka laga leeyahay ayay gantaallo ku ekeeyay Buuraha Kismaayo iyo waliba Jamallada waaweyn ee Magaalo Xeebeedka Kismaayo, iyadoo la sheegay in halkaasi ay u gaysteen burbur xooggan.
Xaaladda Magaalada ayaa xalay muddo saacado ah qal qal gashay, waxaana dad badan saakay ay hadal hayaan duqeymihii ka dhacay gudaha Magaaladaasi.
Saraakiisha Al Shabaab ee Magaalada Kismaayo wali wax war ah ma aysan kasoo saarin duqeymaha lala dhacay Magaaladaasi, inkastoo muddooyinkii dambe Magaaladaasi ay hoy u noqotay duqeymo loo geysto.
Magaalada Kismaayo ayaa Xarun muhiim ah u ah Al Shabaab, waxaana xusid mudan in haddii Al Shabaab laga fara maroojiyo Magaaladaasi ay saameyn ballaaran ku yeellan doonto, maadaama laga saaaray Al Shabaab deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada hoose ee Koofurta Soomaaliya.























Comments are closed.