Diyaarado dagaal oo ka qeyb qaadanaya dagaalada ka socda duleedka Kismaayo

maalik_som August 27, 2012 Comments Off

Kismaauyo: (Sh. M. Network)  Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa wararka imaanaya waxa ay sheegayaan in wali halkaasi uu ka socda dagaal qasaaro gaystay oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya, Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa sheegay in dagaalka u jeedkiisu uu yahay inay lagu qabsado Magaalada Kismaayo, maadaama muddooyinkii dambe ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen deegaannada duleedka ka ah Magaaladaasi.

Dad ku go’doonsan goobaha ay dagaalada ka socdaan ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan diyaarado dagaal kuwaasi oo gantaallo ku garaacaya Xarumaha Al Shabaab ay ku leeyihiin duleedka Kismaayo.

Xaaladda ayaa cakarin, waxaana dadka ku sugan gudaha Magaalada Kismaayo ay u sheegeen Shabelle in Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo wata Gawaari dagaal ay kusoo xireen cod baahiyeyaal,iyagoo dadka shacabka ah ku wargalinaya inay ka qeyb qaataan dagaalada, maadaama ay tibaaxeen in duullaan lagu soo qaaday.

Dadku waxa ay sidoo kale sheegeen in Al Shabaab muddo kaddib maanta ay fasaxeen in dadka wixii balwad leh ay isticmaali karaan, islamarkaana ay yihiin kuwa xor ah, waxaana wararka ay sheegayaan in Al Shabaab ay isaga baxeen deegaanno ka tirsan Jubbada hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladdu ay tahay mid kacsan, islamarkaana gudaha Magaaladaasi ay buuxdhaafiyeen Gawaari farabadan oo ay leeyihiin Al Shabaab kuwaasi oo qaarkood gurmed ahaan  u gaaraya goobaha ay dagaalada ka socdaan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter