Diyaarado dagaal oo duqeymo qasaaro gaysatay la dhacay Baardheere

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Baardheere: (Sh.M.Network) Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo duqeymahaasi ay gaysteen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Diyaaradaha ayaa lagu soo waramayaa inay duqeymo xooggan la dhaceen dhowr Xarumood oo ay leeyihiin Ciidamada Al Shabaab, waxaana la sheegay in duqeymahaasi ay gaysteen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

3-ruux ayaa ku geeriyootay, halkana dhaawac ayaa soo gaaray kaddib markii Duqeymaha diyaaradda ay ku dhaceen Banaanka Masaajid ku yaalla degmada Baardheere oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah. 

“ Labo Diyaaradood ayay ahaayeen Gantaallo ayaa lagu garaacay Magaalada, dad ayaa ku dhintay, diyaaradaha waxay ahaayeen kuwa garaacayay goobaha ay Al Shabaab kaga sugan yihiin Baardheere, gaar ahaan Saldhigyadooda” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana jirin illaa iyo iminka waxa war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan duqeymaha lala dhacay Xarumooda oo ay ku lahaayeen Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter