Diyaarado dagaal oo dul wareegaya Hawada Kismaayo

maalik_som September 18, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network) Diyaarado joog hoose ku duulaya ayaa maanta waxa lagu arkay Hawada Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose. 

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta gudaha Magaaladaasi ay dul heehaabayaan Diyaarado dagaal oo aan la aqoon halka laga leeyahay.

Diyaaradaha ayaa la sheegay inay Sawirro ka qaadanayeen goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in xaaladda Magaalada ay  cakirantay intii ay dul heehaabayeen diyaaradaha dagaalka ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. 

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Kenya oo kasoo amba baxay deegaanka Birta dheer ayaa waxa wadada u galay Cutubyo ka tirsan Xarakada Al Shabaab halkaasi oo uu dagaal ku dhexmaray.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa la ageyn qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray, inkastoo xaaladda wali ay tahay mid kacsan, islamarkaana aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto Xaaladda Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter